Sarbeebtu waa hawraar tix ama tiraab faneed ah oo sida loo dhigay si aan ahayn loola dan-leeyahay, waa duur xul waana hadal u jeeddo qarsoon xambaarsan, yacni hadal daboolan oo si la wada garan kadho aan loo odhan, Tusaalle adiga oo qof u dan leh marka aad ka hadasho qof kale ama aad ku raad gadato nafleey kale markaas ayaa la odhan karaa hebel waa uu sarbeebtay oo si maldahan buu hadalka u yidhi, ama tix sarbeeban oo ay adagtahay in la fudho ayuu tiriyey, waa u jeeddo aad shareerayso oo aad doonayso in dadka qaarkii ay gartaan qaar kale aanay garan. Sarbeebtu waxay ku timaaddaa dhawr sababood sida" sarriigta, wax tusaaleynta, baqdinta iyo noocyada kala jaadka ah ee hal-xidhaalaha.
Bal haatanna aynu tusaalayaal u doonanno suugaanyahannadii soomaalidu iyo sidii ay u sarbeebeen u jeeddooyin markaas iyada ah ay ka meer-meereen toos wax uga sheegiddeeda, si aynu ogaal dheerri ah uga helno sarbeebta iyo waxa ay tahay bal aan dhex muquurno suugaanteenna quruxda badan oo aynu kala soo baxno maansooyinka mugga weyn ee sida far-shaxannimada leh wax loogu sarbeebay.
Qammaan bulxan oo ahaa gabyaa soomaalidu aad u jeceshahay tixihiisa toolmoonna ku hal-qabsato kuna dhaadato ayaa waxaa la yidhi beri gabar guursaday, waxay ahayd gabar aad u bilic-san oo quruxda in badan laga siiyey looguna roonaaday, hayeeshee kolkii ay gabyaaga muddo wada dhaqmeen ayuu ku arki wax qiimi ah oon quruxda dhaafsiisnayn, fudayd uu u bogi waayey iyo meel u kicid ayuu ku arkay kana biyo diiday, isagoo sidaas gabdhii u saluugsan ayaa dharaarti dambe waxaa u soo har galay iyada walaalkeed oo sidii caadadu ahayd yarad doon ah, qamaan wuxuu goostay inaanu gabadhaas wax yarad ah ka bixin, ceebeheeda inuu walaalkeed caddaan ugu sheegana wuu ka sarriigtay, kolkaasu u sarbeebtay, isaga oo iyadii ka hadlaya balse baal gorayo iyo faras ku maldahaya ayuu seeddigii tix gabay ah ugu warramay wixii uu ku tashadayna si asluub leh ugu sheegay, wuxuu yiri"
■ Baal gorayo waa lagu ogaa inuu bidhaamaaye
■ Ber-bera maalintuu tagay waxaa bi iyey miisaane
■Bir koley ku tahay sheygii fudud beeso lagu waaye
■ Boos waxaan jeclaadaba markaa baayacaan nacaaye
■Wada ba'an bani aadam kaad waaya barataaye.
Dadku waayadaas murti-dhaari buu u badnaayey kolka uu tixdaas maqlay ninkii yarad doonka ahaa kolkii uu tixdaas maqlay yuu isaga oo aan eray soo celin iska noqday, maxaa wacay hadduu hadal wax dheef leeyahay loo dhammee. Sarbeebtu waa taa!.
Bari ayaa nin haweynaydii uu qabay furay waana waagii furriinku ceebta ahaa ee dhulkeenna sida aadka ah ugu yaraa la iskuna ceebayn jidhay, rag badan oo qaraabo iyo xigto ahaayeen ayaa ninkii eedeeyey iyaga oo aan u dhabbo galin sababta ku khasabtay inuu afadiisa ka maarmo, markaas ayuu ka xishooday inuu sababta dhabta ah dadka u bandhigo,sidaas darteedna wuu iska aamusay, markii loogaraabi waayey oo golihii uu imaadaba lagu soo hadalqaadayo inuu afadiisii furay ayuu ka ahaan waayey inuu diirka ka qaado sababtii uu xaaskiisa ku furay, wuxuu yidhi"
■ Gacalkeed ha weydee haddey geenyo kaa hebaddo
■ Hasuu haayir nooliba yaqaan heebadkeey mirato
■ Wiilkii han qaadaba hadduu halabsadoo fuulo
■ Heensaha inaad kala baxdaa soo hal gara ma aha!
Sababtu sida aad ka dhex garto tuducyadan waa gogol dhaaf hase yeeshee carrabka kumuu dhufan, wuxuu ka hadlay geenyo hebed noqotay bar-baarkii soo gaaraba ogal, hadalkana wuu dhammeeye. Waa hadal asluubeysan oo si kale haddii loo sheegi lahaa ceeb noqon lahaa. Sarbeebtu waa taa!.
Tusaalayaasha kale ee maansada sarbeeban ku saabsan waa mid suugaanteenna aad uga caan ah waana tixo dhex maray laba nin oo ka mid ahaa raggii reer ciideedka ahaa ee maansada looga dambeyn jiray, lana kala oranjiray saahid Qamaan iyo Feetik Muxumed Shirwac. Saahid ayaa waxa uu guursaday inan dhawr iyo toban jir ah oon wali xilligii guurka gaarin si reer loo dhaqana aan haba yaraatee waxba ka aqoo, waxay ka sii dartay markii ay inta u mushay kala daadatay oo dooc ka garan weyday sidii ay u kala agaasimi lahayd seygeed, xoolaha, maamulka aqalka, ilmaha yar iyo nafteeda intaasba, saahid qamaan saluug baa galay wuxuuna jeclaystay reerihii markii hore siiyey ee yaradka kaga qaatay haddey gabadhaan gabar kale ugu badili lahaayeen damacaasina wuxuu malaha ugu muuqday wax yara foolxun oo aan carrabka lagu ballaari karin.
Maalintii dambe ayaa waxaa shax dhigtay saahid qamaan iyo feetik muxumed oo inanta saahid uu saluugsan yahay ay ilmo adeer ahaayeen, iyaga oo shaxdii cayaarahaya ayuu saahid sheedda ka arkay gabar gashaanti ah oo midda u dhaxday ay walaalo ahaayeen, waxay ahayd inan madax bannaan oo nafteeda iyo bilicda oogadeeda oo qura xil is ka saaraysay markeedii horana qurux u dhalatay, gabadhaas oo dumaashidiis ahayd ayaa saahid laabtiisa ku dhacday, markaas ayuu feetik gabay sarbeeb ah kula hadlay shaxdii dusheeda, wuxuu yiri:-
"Gammaankiina badan feetgow gabalba waa cayne
Qaar baan ka goor iyo ka goor gulufka deyneyne
Qaar baan gar qaadkana la barin gaalibna aqoone
Gambi dhacay garmaamiyo rogaal la isku soo gaaray
Kol dabbaal deg loo gurmaday gooddi iyo fuulmo
Ninba geenyaduu agabaruu golaha keenaaye
Is garn weynay neefkaad toloow igu gargaarteene
Gabxe lagu shakaalyoow duqii gaabi oradkiiye
Gacalnimo haddaad naga rabtaan go'aha noo doorsha
Haddii kale sidaad noo gasheen baa inoo godob ah. Kanaan dagay!.
Si daboolan oo anshax huwan ayuu dibadda u soo dhigay wixii muddaba ka guuxayey, wuxuu ka hadlay gammaan badan oo u soo hoyda reerihii ay xididka ahaayeen, isaga oo u jeeda hablahooda quruxda leh ee uu wali damacu ka hayo wuxuuse ka hadlay gammaankaas badan sange uu isagu ka helay haatanse ka dakaamay kabtigiina gaabshay isaga oo u jeeday gabdhahaas inantii kaga soo aadday inuu saluugsanaa, ugu dambeynii wuxuu muujiyey inuu godob tirsan-doono haddii sengahaas laga doorin isaga oo u jeeday afadii uu markaas qabay in laga badelo oo walaasheed la siiyo, toban meeris oo aad u dhisan ayuu doodddii iyo dacwaddiiba ku idlaystay, waxaana hubaal ah haddii uu si kale u sheegi lahaa in uu eedoobi lahaayoo gogol loo dhigan lahaa, feetik muxumed nin hadal seego ma ahayne durba wuu gartay wixii saahid ka guuxayey, isla goobtii ayuu isna kaga jawaabay, wuxuu ku dooday afada saahid ka cabanayaa inay yahay tu yar oo hadda dhaw timaha loo dabay loona baahnaa ninkii guursadaa inuu laylyado, wax u sheego, u dul-qaato oo carbisto tan iyo inta ay reerka ku filnaanayso marwo gurina ay noqonayso, maxaad saahidow noo sheegan haddii aad adigu garan weyday tabta loo taba baro hablaha yar-yar ee markaas la soo guursado ayuu feetik dooddiisii ku soo koobay, hase ahaatee sidaas qayax umuu sheegine sidatan daboolan ee saebeeban ayuu u yiri:-
"Hal garawshi leey saahidoow gobi la yeedhaaye
■Horta garab-wagliil waa xunyahay in la is garraaxaaye
■Nin gammaan yaqaan dhal waa gaasa bixiyaaye
■Waa labiyo toban gu' jir aan fuullinkeed galine
■Waakaa gankeedii guryaha looga caws guriye
■Hadduu nadigu gubo neef yaru waa jaro gariiraaye
■Maxaad nagu galaysaa haddaad fuulmo garan weyday? kanaan dagay.
No comments:
Post a Comment