Saturday, January 29, 2022

SUUGAANTA KU SAABSAN SHEEKO-XARIIRADA




Sheeka xariiradu waa hab suugaaneed can ah oo dunidoo idil bulshooyinka ku dhaqan ay kasimanyihiin, waxaa lagu tilmaamaa iney tahay dhaxal uu aadanuhu wadar ahaan uleeyahay in kastoo umad waliba ay gaar usheegato kuwa dhexdeeda ka abuurmay summadda deegaankeeduna ay kutaal.


Jaadad badan ayey sheeka xariiradu u kala baxdaa qaar ayaa ku saabsan dhismaha dunida iyo ifafaalooyinka ay maalin walba indhuhu qabtaan sida circa,dhulka,daruuraha,roobka,xiddigaha,habaynka iyo dharaarta.


Qaar kale ayaa ku saabsan dugaagga iyo dadyow waaya hore uunnaa oo aadanaha kale aad uga waaweynaa tiiriyaalna loo yaqiinay, qaar baa kusaabsan dad-qalatooyika sida dhagdheer, qaar kalana madax mala-awaal ah sida boqoraddii soomaalida ee Caraweelo la oranjiray, qaar baa ku saabsan dugaagga, qaar kalana nafleey dad iyo kallunba isugu dhafan sida gabareey-maanyo, amasa bahal jeexis ah sida xungurufta.


Xagga ujeedada sheeko-xariiraddu waxay isugu jirtaa qaar carruurta lagumaaweeliyo iyo qaar waayeelka qudhiisu uu isugu sheekeeyo.


Maadda iyo maaweelada ka sokow sheeko-xariiradu waa hab suugaaneed ay bulshooyinku murtida kula baxaan si fududna looga dheehankaro waayo-aragnimadooda iyo falsafaddooda nolosha, aalaaba sheeko-xariirada waxaa loo wariyaa asal ahaan siday ahayd ee awoowayaal looga soogaaray, waxaase marar lagu soo bandhigo habab kale oo suugaaneed sida riwaayadaha iyo maansada.


Soomaalidu waxay kami tahay umadaha sheeko-xariirada hodanka ka ah murtidana kula baxada, sidoo kale maanso yahankii hore ee soomaalidu kama ilduufin qiimaha suugaaneed ee adeegsiga sheeko-xariirada kujira,mar hore iyo mar danbaba mayara hal-abuuradda sheeko-xariiroyinka wax inoogu tusaaleeyey oo aynu madaxa uwada ruxnay kolkii ay maanso noogu rogeen sheekooyin aynu yaraantii ku maqlijirnay.


Markhaati waxaa taa unnoqonkara sheeko-xariirada ay soomaalidu wada taqaan ummado kale iney layaqaanaanna ay suuro gak tahay, waa qeyb libaax sheekadda ku magacdheer ee dhacday habar dugaag oo idil maalintii hashu ay soo dhexmartay,boqorka keynta(libaaxa) qeybinta hilibkeeda maalintuu waraabe u agamaday,maalintuu kaasina qaldamay markuu ku dhawaaqay in libaaxu hasha bar qaato barka soo harayna ay intooda kale ku tagaan, maalinta uu boqorku qeybtaa qawaday ee inta uu carooday uu waraabihii sida ba’an ugagabiyey ishiisii midigna bannaanka soo dhigay, maalintuu uu hadana dawaca uyeeray oo uu faray iney neefka qeybiso waa wixii dhiifoonayde hasha oo idil maalinteey libaaxa guddoonsiisey ee ay ku talisay iyagu iney qadaan isaguna uu hilbaha wada qaato, maalintii uu libaax qeybtaa udhoolla caddeyey dawacana ay sidaa nafteeda ku badbaadisay.


Sheeko-xariiradaas maanso-yahannadii soomaaliyeed ee inta gabayga urrogay wax ku tusaaleeyey waxaa kamid aha xuseen maxamuud faarax oo xuseen dhiqle loo yaqiinay, waa ninkii muddada dheer sayid Maxamed xoghayaha warfaafinta ula meel joogay ee maansooyinkiisa mar qudha kolkuu ummariyo isagu dabadeed daraawiishta sii qeybsiinjiray.


Tan iyo dhallaanimo waligiisba wuxuu ahaa guryaha reer sayid nin katisan, jabkii dariiqo kadibna wuxuu kamid ahaa raggii hogaamiyaha laqaxay ee markii dambe buurta iimeey latagay, December 1920kii wuxuu kujiray nimankii iilka dhigay ee xabaashiisii inta dul-gammodsaday ilmadu ay gob’o leysay. Gorayo gabal udhacay waa tii ay dabadeed daraawiish noqotay, waa tey kala firirtay, gaaggii kaharay waa tey iniba meel afka saartay, qaar Nugaal isaga soo noqda,qaar beydhabo ka cid gala hara doollood ama haro xagarrey qaar beegsada.


Waxaase jiray qeyb kale oo iney deegaamadaa dib ugu soo noqoto lafaheeda uga baqday, waa aqalkii madax-tooyada daraawiisheed intii ka tirsanayd ama lagu tirinahayey, waa reer sayid ama waa reer xasan nuur oo ingiriis xabashi talyaani iyo soomaaliba raadinahayaan wiil iyo waayeelna koodii gacan lagu dhigo aan dhiigiisa dhulka loo ogolaadeen.


Sheikh yuusuf cabdulle xasan iyo xuseen dhiqle ayaa u odayaal ah iyaga iyo raggii kale markay tashadeenna waxay goosteen soomaaliba iney karraad gataan oo maatadooda galbeed iyo gindhir ay la qabtan, waxay doorteen iney magan galaan Caruuse iyo reer daadhi oo ahaa qoyskii utalinjira, inkastoo  kolkii hore si wacan loo qabtay hadana maalmo kadib baa gardarraysi lagu billaabay hadiiba wixii gacmahooda dab ku harsanaa ayaa laga wada meersaday, markii danbana dumarkii ay wateen baa loo soo dhigtay iyada oo aan cidna laweydiisan baa naado buraale hortooda lagu guursaday, cali bineeqo ayaa aqal iska gashaday, qurux haddii layiraahdo waa qoftii daraawiish ugu haysatay,waa afadii khaliif sheikh cabdulle oo markuu kadhintay uu sayidku ka dumaalay isna uu wax yar ka hor ka geeriyooday.


Taas iyagoo ku ciil-qaba ayaa maalitii danbe caruusa oo idil duqii uboqranaa (nuux muxumed daadhi) waxaa hunguri kagalay jamaad sheikh cabdulle oo ay sayidka walaalo ahaayeen gabyinajirtay, walaalkeed sheikh yuusuf ayuu abbaadhay oo weydiistay, isna intuu malaha naftiisa uga yaabay ayuu halahaleel iyo tashi la,aan ku siiyey,

Maxayse ugu taallaa iyadiibaa marka arrinta loo sheegay iska soo taagtay iyadii baa sina loo soo marsiinwaayey.


Isna sidaas kuma uu harine nuux muxumed daadhi wuxuu uyeeray xuseen dhiqle oo ay la ahayd ineysan jamaad wax ku diididoonin sida ay walaalkeed wax ugu diiday, show xuseenna meel xun ayey kamaraysaa oo gabadha isagaaba kadaran, waxay caruusi ku fashay waa nin ka ciil qaba  oo ku hammiyaya siduu mar un uga aarsan lahaa, hayeeshee maantaas nin ay maya ubbannaanayd muu ahayn, wuxuu garaysan waaye habkii naado looga booliyey iyo sida fudud oo larabo in jamaadna loogaala meero.


Waxaa iskula ekaaday xog sheegadka lagu xaajoonayo iyo sheeko-xariiradii qeyb libaax, markaasuu talo mooday waxa laga rabo inaanu hagaag u ogolaan hagaagna udiidin  islamarkaana carada laabtiisa buuxisay uu bannaanka soo dhigo caruusana dhab u dareensiiyo.


Cishadaas buu tiriyey gabaygaan aanu qeyb ahaan hoos ku soo bandhigi-doonno ee suugaanta soomaaliddu ay ku faani-karayso haddiiba maalin un suugaanaha la tartan siiyo. Xuseen wuxuu yiri.


Qayaashoow libaax baa dhurwaa qeybi yiri soore


Wuxuu yiri hilbaha jeex bal qabo qoom dhan baan nahaye 


Markaasuu qabbabaalihii qoonsadoo dilaye


Dharbaaxuu il kaga qaadayoo hoor kazoo qubaye


Af qashuushle goortuu dhintuu sii qajaabsadaye.


Dawacuu kolkaa soo qabsaday sida qisaaseed 


Iyadoo qar-qari buu ilkihii qoor qabkii xoqaye


Wuxuu yiri qanjaafala xumeey tali qadarkaaga.


Adeer gacalle qaad iyo dalool qaaxo iyo feedho


Qummud iyo baruu lag iyo qawdhihii kuruska


Kuu wada qorsheeyee isloow neefka wada qaado.


Kolkaasuu wixii qaday qabsaday qodob kadafleeye


Waxaa layiri qabiil maleh dayooy qeyliyaha aare


Innagoo quruun dhan ah maxaa qado inoo diiday?


Qacdii hore haddaan arkay kabtii weerku sii quluushay.


Bar baa kuu qismaa waa wuxuu eeday qaar yare’e


Aniguna qudhaasaan ahoo la iqulqulateeye


Duqii noo qab weynaa wakaa qooqa loo dilaye 


Qaadirkii ilaah iyo rabbaan quud ka sugayaaye 


Qudhaydaan uyaabaye miyaan idin qasaateeyey


War ma anoon qudraba hayn baa qorash ka sawaaqsan.


Anna qeyb libaax weeye taas igu qasbaysaane


Dadka igu qoslaayiyo kobtaan ka qalbi diidaayo


Qadayeey aduunyo uma socon waad iqaxarteene


Qarankii dariiqo iyo haddaan qariimadii  waayey


Labadii qof ee nagaga haray qaafadii dumarka 


Tii quruxda roonayd haday cali la qooqayso  


Qudhoo kaliya baa nagu hartoo qalabku noo yiille 


Tanna qaata naadaba rag bey qaac ushidataaye.


Tashigiisu siduu ahaa xueen dhiqle hagaag wax uma diidin hagaagna wax uma ogolaan wuxuuse tiriyey gabaygaa qeyba-libaax labaxay oo noqday nuux daadhi gabay hakiyey bililiqeysigiina ay jamaad kaga badbaaday.


Nabad jaallayaal🙋‍♂️🙋‍♀️

No comments:

Post a Comment

INTA AAN QISO AKHRINAYEY TII UGU MUCDA IYO MIISAANKA BADNAYD 3

                                                                                         Mahadcelin Waxaan u mahadcelinayaa Maktabadda SOAS ...