Wednesday, February 9, 2022



Dadka taariikha bulshada soomaaliyeed daneeya sida ay ka war qabaan xilliyadii hore waxay farduhu meel weyn kaga jidheen nolosha soomaalidii reer guuraaga ahayd, sange baxdow ah iyo geenyo cago le ninkii aan lahayni ragga kuma tirsnayn, su'aasha kolka meesha ku jirta oo malaha dhalinta maantana ay jawaabta uga baahantahay waxay tahay" meeqaamkaa sare maxaa fardaha gaadhsiiyey oo ay ku muteysteen", runtii jawaabta su'aasha waxaa si fudud loo gadhan kadhaa markii la ogaado hawlihii kala duwanaa ee ay waayahadaas bulshada ugu filnaayeen kuwaas oo dhawr ahaa ha yeeshee dhaca geela iyo dhacsigiisu ay horreeyeen.


Waxay ahayd bulsho nolosheedu aad u adagtahay oo reer kastaaba uu ku khasbanaa jiritaankiis inuu si walba ugu hawshoodo uguna halgamo, markaas baa isku duullida is weerarka tolalku joogto noqdeen, ceebna ma ahayn in qoloba qolada ka taag daran ay col ku dhar-dhaato oo dhammaan wixii xoolo xeryaha ugu jidhay ay goor baqo ah kala meerto, waxaase ceeb ahayd in geel la'aan la iska noolaado dabeed cad iyo caano lagu diimin in cidda haysata laga soo mooro duugaa bulshadaas ceeb lama ahayn.

Dhabtiina dhaca xoolaha iyo duullaanadii lagu kala qaadi jidhay wixii suura galinayey waxay ahaayeen fardihii fudfududaa ee dheereeyey awooddana u lahaa in habeen qudha gudihii ay goobo fog fog isga tallaabaan.


kumannaan faras oo aan kala dhicin ayaa jeer aan fogayn gayiga soomaalida kab walba lagu haystay, odayadii xilliyadaas sida ay ku warrameena waxaa loogu jeclaa nugaal iyo ximan fardihii ka dhalan jidhay, nin waliba waxa uu ku taami jidhay inuu yeesho faras fardaha kale bara dheereeyey oo sangihii iyo geenyadii iska dhalay inta loo abtiriyey la garanayo, sidaas daraadeed baa waxaa kol walba soo if bixi jidhay neef neef xulad ah oo xawaare iyo xawliba lagu kuunyo, la isku wada sheego, kolkolna ninka leh inta lagu damaaciyo uu naftiisa ku waayo.


Aan hadaba halkan idin ku la wadaago qaar ka mid ah taariikhda fardaha magacooda dheeraaday, aan ku billaabee "Ashkirheelli baxdawgii lamagac baxay ee dagaal yahankii Cabdi muuse cali ay dad isku seegeen, Farduhu dagaal qudha kuma qaybsanayne waxay galj jidheen yaradka, magtana waa lagu dari jidhay, ina hebel intaas oo geel ah iyo intaas oo fardo ah ayaa laga bixiye waxay ahad dheeraad gabadha iyo reerka dhalayba ay ku faanaan, marar baase waxaa dhici jirtay in nin kabar doono, in geel fara badan iyo fardaba uu ka bixiyo dabadeedna uu aabaheed ku yidhaahdo" faraskaaga hebel ah ama geeyadaada heblaayo ah haddii aadan yaradka ku soo darin gabar aan kuu dhiso la aqal galimeysid.


Dhacdadaas oo kale waxay la soo gudboonaatay gabyaa raggii hore ka mid ahaa oo cabdi muuse cali la odhan jidhay, gabadh buu doonay ka dib waa la siiyey, markii uu yarad uga keenay geel iyo fardo aan tiradooda iyo tayadoodaba la qawadi kadhin, hase ahaatee cabdi muuse gabdhii kuma guulaysan, waa loo diiday sababta haddii uu toydayna waxaa loo sheegay inaanu reerka gabadh kala tagi doonin haddii ashkir-heelli faraskiisa loogu yeedho aanu soo raacin xoolihii uu horay xeryaha u tubay.


Cabdi muuse farasku aad buu ugu dheeraaye dhulka ayaa la wareegay, show xoolihii uu bixiyey oo dhan isaga ayaa uga qiimo iyo qaayo badnaa, kolkaas buu tallamay, markaasuu isla hadlay, ganadha iyo faraska ayuu meel maskaxdiisa ka mid ah inta uu soo wada joijiyey is garab dhigay, sideebuu ashkiheelli ku bixiyaa, soo geela u xaraysan iyo fardaha u qoofalani markoodii horaba isga dartii kumay iman, ma hadduusan ashkirheelli haysan buu rag duulay inta raaco halo iyo horweyn miiran ka saami qaadan lahaa? waa maya ayuu isugu jawaabay isga oo madaxa kolba dhan u luxaya. Wuxuu dhulka jifeeyaba ugu danbayntii waxaa ka go'day in gabadha uu huro intuu ashkirheelli huri lahaa, barri ka maalinna farda fardo reero kale leeyihiin uu xeryahooda uga dhex muuqan lahaa, maalintaas buu tiriyey geeraarkii uu faraskaa ku diiday gabadha reeroodna uu kaga maarmay, wuxuu yiri"


Gabadh heenso wanaagsanoo

Qurux laysku habeeyey

Hibo eebe usiiyey

Aqal weyn hadhsanaysa

Hodan aabe tidhaahda

Hadii haatan la keeno

Huri mayo duqaygu.


 Geela hawdiyo doolo

Laam hareeri kafoofa

Hadeeray cali muusiyo

Rag kaleetoon hubaa

Hadalkiisa hayaane

Hurimaayo duqaygu.


Wuxuu ku soo gabagabeeyey waa sida uu geeraarka u dhigaye, ashkir-heelli haddaan bixiyo, muslinnimo ma sheegto, habaarka tolka dusha u ritay, jidkii nabiga ka leexday, wiilashii dhaqaaqiisa iyo ku duulkiisa yaqiinna tashi iyo himmilo wixii ay lahaayeen ku baajiyey. wuxuu yiri"


Hadii aan ashkir heeri

Hoo aan cid idhaahdo

Muslim haybti masheegto

Nabigiina haleeyey

Wiilashii haysadkiisiyo

Hinjigiisa yaqaanaa

Arinkiisa habawshoo

Hurimaayo duqaygu.


Cabdi muuse dhaartii wuu ka dhabeeye sida sheeko yahannadu ay wariyaan isaga iyo gabdhiina wey isa seegeen.


W/Q: Abdiwahid Abdullahi Mohamud

No comments:

Post a Comment

INTA AAN QISO AKHRINAYEY TII UGU MUCDA IYO MIISAANKA BADNAYD 3

                                                                                         Mahadcelin Waxaan u mahadcelinayaa Maktabadda SOAS ...