Tuesday, February 8, 2022

GEERAARKII DIGASHADA



Nin aan inta badan bulshada taariikhda daristaa aanay magiciisa xusin, ase la hubo inuu si buuxda u gacansiinjiray xoogaggii guumeysiga, inta badanna soo jaajuusijiray dhaq-dhaqaayada xorriyad doonka ah, ayeey maalin maalmaha ka mid inta si un loo qoosaday halkii uu joogay laga masaafuriyey, dhul ay galkacyo ugu sokeyso baderqaasimna ugu fogayd ayaa inta badan laga tuuri jiray shaqaalaha uu guumeysigu yar saluugo, xisbigii leegada ayaa meeshii loo qaaday warkiisa geeyey bulshadana ku war galiyey inaanu ninkaasi ku dhex milmin, wadadii uu maro ayaa looga leexdaa, waxaana intaas u sii dheeraan jirtay meel walba oo uu tago iyadoo jaajuus magac ugu baxo bulshaduna ay daymo nacab ku fiiriyaan, isagoo sidaas ah ayuu maalintii dambe geeriyooday oo uu gaajo darteed naftu kaga haf tiri, waxaana taariikhyahannadu wariyaan inaan meydkiisii la duugin. 


Waayahaas maasyahankii damiirka ummadda lagu tilmaami jiray Cali Xuseen Xirsi waa warkii uu sida weyn ugu farxay ee uu ka soo saaray masafadiisii digashada ahayd ee baryahaas sida deg-degga ah loo wada qeybay, wuxuu cali masafadiisa inoogu sheegayaa iney dhab tahayoo ninkaas geeriyooday aani cidina aasine sida neef bakhtiyey uu dugaaggu u cunay, dhanka soomaalidana wuxuu ku canaanayaa hawlihii halganka gobannimada iney ka gaabisayoo xaruntii leegada ee habaynkii axadda buix dhaafijidhay uu dadku haatan teel-teel ku yahay.


Dhulka oo ay la ahayd inuu hiil la'yahay, habaynnimadii xalayna intuu darinta kula soo fariistay u cawdana wuu u dayrnayaayoo inaan cidina u maqnayn ayuu u caddaynayaa, taas ayuuna ka hor marinayaa dulucda maasafada oo sida aan soo sheegay u jeedkeedu ahay digasho ku jeedda ninkii guumeysi raaca ahaa ee markii ay naftu daysay bulshadii uu ku dhex go'ay cid duugta ka waayey, waxba yaanan hadal idinku daaline qeybo maansadaas ka mid ayuu ku yiri"


Indhaweydba dirisyoonkaan

Dadku kuma dhammaanine


Wuxuu leeggu doonaayay baa

Ragna laga daboolaye


Qalbigii damiin ihi

docna kuuma raaco'e


Nin ibliis la daaweystay 

wacdi kuma dawoobo'e


Dhuloow yaa ku daafici 

dadkaagii xumaaye?


Cambarkii dushaadana

Rag kalaa iska daaqaye

Dahabkaad lahayd baa 

Dibad looga saaraye

Ilmo kaa dareertiyo

Wax dhan baa dadaashaye

Oo aad na didisaye 

Waa kagu dayacaye

Haddii aan durriyaddaada

Diirku kuu dhaqaaqayn

Oo aanay waxaa doon

Duur kuu dhamaynayn

Dacwigaaga igaddaa

Waxba ha i dagaaline.


Intaas markuu yiri ayuu u jeeddadii masafada ku dhalisay u dhaadhacayaa waa ninkii boosaaso ku dhintay wuxuuna yiri"


Dadawse maqal 

Nin dulin qaaday

Wax xillow u dambeeyee


Xaqu hadduu ku soo dagana

Ninna duugmaayo'e


Qabrigiina loo diidyoo

Ku dabooli waaye'e


Wax dabayshu noo keentay

In dhurwaa daliigaye.


Diiwaanka kuma yaal 

Shaafici nin diidaye


Dariiqooyinkii dhaaf

Nabigana dafaarye


Dalla malaha aakhiro

Ifkana darajo beelye


Doofaar wadkii helay

U dubaaximayno'e


Hadduu daanka buuxsadayna

Rabbi waa ka daadshaye


Ninkii saas damcaayee

Durka sare madooboow


Waan kula dardaarmiye 

Dacwigayga maqaloo


Ha ku dayannin kaa hoogay

Dhulku yuu ku diidine.


Wacyiga maanta waxaa si aad ah u taabanaya 16-ka tuduc ee masafada ugu dambeeya, jaajuus ayey markaas taagnayd eegga bad iyo birri ayaa loo haahabanahayaa beecintooda. Kala fogaa dadnimadu.


Nabad jaallayaal🙋‍♂️🙋‍♀️

No comments:

Post a Comment

INTA AAN QISO AKHRINAYEY TII UGU MUCDA IYO MIISAANKA BADNAYD 3

                                                                                         Mahadcelin Waxaan u mahadcelinayaa Maktabadda SOAS ...