Alla ha u naxariistee, hal-abuurkii caanka ahaa ee la oran jirey Maxamad Cali Kaariye ayaa beri waxaa haleelay dareenka jacaylka; kaas oo dhismaha jirkiisa iyo maankiisaba si degdeg ah ugu fiday. Gabadha uu jacaylkeedu wareemay waxaa, Eebbe qaddarey, inay ahaato mid uu magac iyo muuqba u garanaayo oo ay hay’ad qura ka wada xoogsadaan, sidaas darteedna toddobaadka intiisa badan ay, weji ahaan, kulmaan, laabuhu yeelkoode!
Ha yeeshee, la-kulankaasi fannaanka waxba uma lilleyn jirin oo ololka dabka kalgacalka kama uu qaboojin jirin. Maxaa yeelay, wax ugu wacnaaba, gabadhu iyada oo og qalbiga Maxamad Cali inuu xaggeeda soo jiro ayay haddana ismoogeysiisaa. Iyada oo og inay iyadu maankii ka xadday ayay haddana ka sii jeensataa. Inna uma baxdo, uma jilicdo, umana jixinjixdo. Fannaankuna, in kastoo maalmihii dambe inuu is’illowsiiyo uu ku dedaali jirey, haddana ma samro oo inay u gacan-haadiso kama quusto!
Beri dambe, isaga oo aqal gudihiis rag dhawr ah kula caweynaaya, qudhiisuna uu markaas sheekada wado ayaa si lamafilaan ah waxaa dhegihiisa ugu soo dhacay gabdhaha xaafadda middood oo tu kale u yeeraysa. Waxay ugu yeertay isla magacii ay lahayd inantii uu isagu jeclaa ee, markuu hanan waayey, inuu is-halmaansiiyo uu ku tashaday. ‘Heblaay!’ markay tiri ayuu qarracmi gaarey.
Tummaati aanu aqoon meel ay uga timid ayuu dhinacyada oogadiisa ka dareemay. Markaas baa miyirkiiba ugu dambaysey. Wuxuu kala garan waayey magaca uu maqlay in isaga loola jeedo iyo in kale. Kolkaas buu fadhigii halhaleel uga kacay, isaga oo aan dan iyo daarad ka gelin raggii uu haasaawinaayey iyo sheekadii uu u wadey toona. Dheg la qabto isaga oo aan lahayn ayuu qolkii dibedda uga boodey.
Waxba isaga oo ay u kala caddaan la’ yihiin, irriddana liqdaaran ayuu nabarkii labaadna ku dhacay. Wuxuu maqlay gabadhii loo yeeray oo tii u yeedhay ku leh: ‘Hee, hebla!’ Mase codku waa codkeedii oo aan car isku rogin! Waa tii uu jeclaa ee u soo loodsami weydey codkeedii! Suu waa isdabammaray oo sarejoogga ka dhici gaarey. Markaas buu afarta garjaho indhaha midba mar u diray. Wuxuu isleeyahay: “Qofka loo yeeray ee aad codkeeda maqashay tu kale ma ahee, waa iyadii oo galabta ku soo raadisey oo intay, malaha, kaa naxday goosatay inay sida kuu dhaanto!” Mar kale ayuu afarta garjaho indhaha u kala diray. Jaanqaad meel dhow ah ayuu dareemay, kolkaas buu dhanka midige ku xasilay. Mase waa gabar; gabadhii magaceeda iyo codkeeda uu maqlay ee uu agagaarka ka jeedaalinaayey. Hase ahaatee, in kastoo xagga muuqa iyo midabkaba aan tiisii laga aqoon, haddana tiisii ma ahayn! Markaas baa nabarkii saddexaad lagu soo tuuray!
Saddexdaas nabar markay isu raacday ayay laabtii oloshey. Sheeko uu islahaa, ‘way kaa dhammaatay’ ayay maankiisa ku soo celiyeen. Sidii wax la arooriyey ayuu u ekaaday. Raggii iyo aqalkii dib uguma laabane, horay buu isaga dhaqaaqay, isaga oo ay murugo buuxisey. Waa hal’abuurkii weynaaye, hees buu halkii ka bilaabay; heesta sidiisa caanka u noqotay ee Xasan Aadan uu qaado. Waa heesta uu ku bilaabay:
Kuwa loogu magac-daraye
Muuqa aan la kala garan
Caku mohashadoodee
Heesaha macaan iyo
Muusiggiyo codkay diley!
Dhegaha aan ka maalee
Markii aan illaawoba
Wax i soo mir-kiciyoon
Maqlo waayi maayee;
Ma hayoo, mana sugaayoo
Iimana maqnee;
Maareeyoo sidee buu cishqigu
Maskaxdiyo qalbiga
Uga miirmayaa!
Nabad jaallayaal🙋♂️🙋♀️
No comments:
Post a Comment