Sunday, October 23, 2022

INTA AAN QISO AKHRINAYEY TII UGU MUCDA IYO MIISAANKA BADNAYD 3

                                                           

                            Mahadcelin

Waxaan u mahadcelinayaa Maktabadda SOAS (Rugta Buug-Keydinta Dugsiga Culuumta Bariga iyo Afrika, Jaamacadda Landan) oo oggolaaday in ay i amaahiyaan nuqul buuggaan daabacaaddiisii koowaad ah oo ay ku hayeen qolka lagu ilaaliyo qoraallada aan la heli karin, kuwaasoo aan caado ahaan la oggolayn in qolkaa laga saaro. Waxaan ugu abaal hayaa in ay ii oggolaadeen in aan nuqulkaas maalmo la maqnaado, si dib looga sawiro muuqaalkii koowaad ee galka oo igula habboonaaday in uu saldhig u noqdo galka daabacaddan cusub. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Cumar Aadan Qaaddi oo gacan weyn ka geystey suurtagalinta daabacaddaan saddexaad, taas oo Cumar la’aantiis u soo baxdeen dhakhsaha ay u soo baxday.

Qoraaga:- 

Iyadoon qofna salaamin, hareerahana eegin, bay qolkeedii halhaleel ugu gudubtay. Sariirtay isku halgaadday. Buugaagtii ay sidatayna koomadiinka dushiisay naxariis la’aan ku tuurtay. Qaar baa dhulka ku daatay. Waligoodba ha daateen. Yaa u jixinjixaya! Yaa aruursanaaya! Addimadeedii baabay aruurin kari la’dahay. Waa taas labadeedii lugood mid sariirta ku dul xoortay, iyadoo kabteedii wadata.

Tii kale oo kabtii iskeed uga dhacdayna waxay ka lulataa sariirta qarkeeda. Bowdada waxaa ceego adag uga haya surweelka kaakiga ah ee dugsiga. Waligiisba ha uga hayo! Yaa ka fujinaaya! Yaaba ka xanuunsanaya! Haddaad isha kor ula sii raacdid, waxaad arkaysaa shaati cad oo gacma gaab ah oo ay hoosta ka soo riixayaan laba naas oo dhawaan kobcay. Waxaa la moodaa in ay ka cabanayaan shaatiga turriinsha la’aanta loogu dhejiyey. Waligoodba ha ka cawdeen. Yaa dulman ma iyaga mise guluusyada la moodo in ay sii go’ayaan? Kii doonaaba ha dulmanaado. Yaa isugu tagaaya! Qofkii u soo galaa wuxuu moodi lahaa ruux suuxsan, ama mar hore gam’ay. Waa runoo indhaha way dansatay, laakiinse hurdo warkeed ma jiro. Indhaheeda beryahaan hurdo sooma booqan. Intay neef culus xoog weyn ku soo jiidday bay xoog ka sii weyn ku soo celisay, sidii iyadoo doonaysa in ay ku soo xaaqdo dhibaatooyinka maskaxdeeda rasaysan. Waxay la ahayd dhibaatooyinkii ifka lagu uumay idil ahaantood in ay iyada dul saaran yihiin. Qof kasta dhibaatadiisaa la culus, isagaana isla jid leh. Noloshaaba sida ah. Markay indhaha isku qabsatay bay maskaxdeedu isla hadalkii laba jibbaartay. “Aah, dhib badanaa! Saan maan ku joogi karaa? Ilaahayoow sideen wax yeelaa? Iskoolkaanaaba iigu daran. Wax maan

barashow ka gaaraa, anigaba waa dhibaataysanahaye! Macallinkaasaanba nacay! Khabiid waaye. Xisaabtiis ma la fahmi karo. Maxay nooga baddaleen macallinkeennii fiicnaay? Sabti imtixaan waaye kuma lohoo. Sabti maahine maantana keena. Imtixaan imtixaan waaba la iiga daran yahee. Iskoolkaan mar lee ma la xiroo. Waa ka neebsalahaa. Laakiin qof minankaan joogto maa neebsaheesa. Dhib maa dhib kaaga roon? An waa yaabay! Dadkaan qaf uula hadasho maa la waayey, oo runta u sheegto. Maxaa la ii khasbaa? Ma rabi. Ma rabi. Ma rabi. Khasab miyaa? Cawo ma rabi, maalin ma rabi! Waalid-waalidaa la idinka badiyey. Ammaan lee i siiya. Waalid oo ilmihiisa xaasad u eh maa la soo arkay? Haddii iga naxaysiin wax dhibkeyga eh ma igu khasbi leheen. Qaftii aniga rabo ma ii diidi leheen. Sidiin rabo lee ii yeeli leheedeen. Ah! Nasiib badanaa qaf xor eh, Sahra Yuusuf camal! Axmed saacaddaan intees joogaa? Xafiiskii aas fadhiyaa. Ah! Maxaan u soo mari waayey? Waa u sheegaa cawada, wixiis rabo ha dhaho. Dhibkaan ma ku jiri karo. Maya. Maya. Ma u sheegi karo. Ceeb waaye. Mashkilad kalaa imaaheeyso. Lacalla haddii…”la soco.......

Sunday, October 16, 2022

INTA AAN QISO AKHRINAYEY TII UGU MUCDA IYO MIISAANKA BADNAYD 2



 Dadweynuhu, Muqdisho iyo meel kasta oo Xiddigtu gaartaba, wuxuu u muujiyey xiisayn iyo soo dhoweyn aad u ballaaran oo aan hore loo arag, ilaa xad Wargeysku codsigii dadweynaha buuxin kari waayey, tiro kastoo lagu kordhiyey ee dhawr jeer la laba jibbaaray oo saddex jibbaaray! Bixiddaas faraha badan iyo xiisahaas xad-dhaafka ah maxaa keenay? Waxa ugu dhow oo loo malayn karaa waa in sheekadani si waaqici ah u dhex-gashay nolosha bulshada; qoys iyo qof, yar iyo weyn, wiil iyo gabar,

intuba dareemeen in ay hab-nololeedkooda taabaneyso, iney uga dardaar werineyso fal-celiska dhaqankooda sii doorsoomaya, una sii tilmaameyso cawaaqibkiisa. Sidoo kale, waxay waalidku ka dhex arkayaan khaladaadka qaarkood ka galaan barbaarinta ubadka iyagoo wax toosi is leh. Bal u sii fiirsada hiddaha nolosha qoyska Maana-Faay, doodda dhexmareysa Axmed iyo Kulmiye, ruqaansiga Aay-Caddey iyo aragtideeda, tartanka dhalinyarada iyo figradaha kala duwan ee raggu dumarka ka qabo dumarkuna ragga ka qabo, sida waalidku u qasbo rabidda da’da cusub, iyo ugu dambaynta, dhibaatada ay martay nolosha Maana-Faay, oo ah shakhsiyadda sheekada oo dhan xiriirisa. Runtii waxaa qisadan summad gaar ah u ah, in ay dadka ay ku socotaa kuwo caadi ah yihiin, ee aad noocooda maalin walba suuqa iyo guryaha kula kulmi kartid, inaan hadalkooda is-muujin iyo erayo culusi ku jirin; in murtida buuggu xambaarsan yahay ay dadweynaha ka soo maaxeyso. Darsiga ugu weyn ee qiso ina soo hordhigi kartaana, ka sokow inaan akhriskeeda ku raaxaysanno ama ku madadaalanno, waa inay nagu qasabtaa, waliba si doqonima-garato ah, inaan gudaheenna iyo habka nolosheenna dib u dhuganno waxna ka beddello.

Waxaan qabaa in qoraaga buuggan, Maxamed Daahir Afrax, oo tijaabadan cusub sida xalladda iyo kartida leh u gudbey, uu kulligeen naga mudan yahay hambalyo iyo mahadnaq ballaaran. Dr. M. Aadan Sheekh

ITA AAN QISO AKHRINAYEY TII UGU MUCDA IYO MIISAANKA BADNAYD?


 Qisada Maana-Faay iyo qiimeheeda taariikhiga ah inta aynaan u galin, horta aan is weydiinno qisoy maxaad tahay? Runtii wax badan baa fasiraad laga bixiyey, siyaalo badanna loo rogrogey, inta ay nooc leedahayba. Hase yeeshee annaga, Soomaali ahaan, ahmiyad gaar ah ayaa bilowgeedu noo leeyahay. Waa marka horee afkeenna qoriddiisu dhoweyd, welina dihin, waa u tijaabo sida farshaxan qurxoon qoraal ahaan loogu bandhigi karo, ama sida afku dareen kasta u cabbiri karo. Waa tan labaade, dadweyneheennu ma baran akhriska sheekooyin casri ah, maxaa yeelay af-maal bay bulshadeennu ahayd, welina kama guurin, oo isagana tijaabo cusub bay u tahay. Waa tan saddexaade, bulshadeennu uma baran sawirka nolosheeda oo loo soo hordhigo sidii muraayad ay iska daawaneyso, kana arkayso ceebaheeda, xumaheeda iyo wanaaggeeda. Waxaan shaki ku jirin in haddii aan hore sheekooyinkeenna u qori lahayn, ama curiyayaal badani qisooyin casri ah noo hal-abuuri lahaayeen, wax weyn ayaa iska bedeli lahaa dhaqankeenna iyo aragtideenna nolosha.

Si kastaba ha ahaatee, waa nasiibwanaag haddii dhalinyaradeennu ay u soo jeesteen hal-abuurka noocaas ah, oo kaalin weyn ka qaadanaya koritaanka wacyiga iyo dhaqanka bulshadeenna. Ninna ma mooga, bay ila tahay, in dadaal badan oo dhinacaas ah ay duruufo gaar ihi hakiyeen: waxa ugu yar kuwa ku lug leh xagga dhaqaalaha iyo xagga farsamada, oo qoraa kasta u baahan yahay in laga kaaliyo, marka uu hawshiisa wado. Waxaa hubaal ah in ay markan lagama maarmaan tahay in tallaabooyin cusub laga qaado arrimahaas, mar haddiiba afkeennii uu si sugan ugu xididdeystey maamulka, warbaahinta, dugsiyada iyo miyiga, uuna noqday saldhigga aqoonta, waxbarashada iyo cilmi baarista dalkeenna. Qisada maanta ina hortaal, Maana-Faay, waxay ugu horraysaa tijaabooyinka cawada yeeshay oo nooca loo baahnaa ah, waxeyna ku soo banbaxday markii, iyada oo taxane ah, ay Xiddigta Oktoobar ku soo bixi jirtey, sannadkii 1979kii. Dadweynuhu, Muqdisho

Wednesday, February 9, 2022



Dadka taariikha bulshada soomaaliyeed daneeya sida ay ka war qabaan xilliyadii hore waxay farduhu meel weyn kaga jidheen nolosha soomaalidii reer guuraaga ahayd, sange baxdow ah iyo geenyo cago le ninkii aan lahayni ragga kuma tirsnayn, su'aasha kolka meesha ku jirta oo malaha dhalinta maantana ay jawaabta uga baahantahay waxay tahay" meeqaamkaa sare maxaa fardaha gaadhsiiyey oo ay ku muteysteen", runtii jawaabta su'aasha waxaa si fudud loo gadhan kadhaa markii la ogaado hawlihii kala duwanaa ee ay waayahadaas bulshada ugu filnaayeen kuwaas oo dhawr ahaa ha yeeshee dhaca geela iyo dhacsigiisu ay horreeyeen.


Waxay ahayd bulsho nolosheedu aad u adagtahay oo reer kastaaba uu ku khasbanaa jiritaankiis inuu si walba ugu hawshoodo uguna halgamo, markaas baa isku duullida is weerarka tolalku joogto noqdeen, ceebna ma ahayn in qoloba qolada ka taag daran ay col ku dhar-dhaato oo dhammaan wixii xoolo xeryaha ugu jidhay ay goor baqo ah kala meerto, waxaase ceeb ahayd in geel la'aan la iska noolaado dabeed cad iyo caano lagu diimin in cidda haysata laga soo mooro duugaa bulshadaas ceeb lama ahayn.

Dhabtiina dhaca xoolaha iyo duullaanadii lagu kala qaadi jidhay wixii suura galinayey waxay ahaayeen fardihii fudfududaa ee dheereeyey awooddana u lahaa in habeen qudha gudihii ay goobo fog fog isga tallaabaan.


kumannaan faras oo aan kala dhicin ayaa jeer aan fogayn gayiga soomaalida kab walba lagu haystay, odayadii xilliyadaas sida ay ku warrameena waxaa loogu jeclaa nugaal iyo ximan fardihii ka dhalan jidhay, nin waliba waxa uu ku taami jidhay inuu yeesho faras fardaha kale bara dheereeyey oo sangihii iyo geenyadii iska dhalay inta loo abtiriyey la garanayo, sidaas daraadeed baa waxaa kol walba soo if bixi jidhay neef neef xulad ah oo xawaare iyo xawliba lagu kuunyo, la isku wada sheego, kolkolna ninka leh inta lagu damaaciyo uu naftiisa ku waayo.


Aan hadaba halkan idin ku la wadaago qaar ka mid ah taariikhda fardaha magacooda dheeraaday, aan ku billaabee "Ashkirheelli baxdawgii lamagac baxay ee dagaal yahankii Cabdi muuse cali ay dad isku seegeen, Farduhu dagaal qudha kuma qaybsanayne waxay galj jidheen yaradka, magtana waa lagu dari jidhay, ina hebel intaas oo geel ah iyo intaas oo fardo ah ayaa laga bixiye waxay ahad dheeraad gabadha iyo reerka dhalayba ay ku faanaan, marar baase waxaa dhici jirtay in nin kabar doono, in geel fara badan iyo fardaba uu ka bixiyo dabadeedna uu aabaheed ku yidhaahdo" faraskaaga hebel ah ama geeyadaada heblaayo ah haddii aadan yaradka ku soo darin gabar aan kuu dhiso la aqal galimeysid.


Dhacdadaas oo kale waxay la soo gudboonaatay gabyaa raggii hore ka mid ahaa oo cabdi muuse cali la odhan jidhay, gabadh buu doonay ka dib waa la siiyey, markii uu yarad uga keenay geel iyo fardo aan tiradooda iyo tayadoodaba la qawadi kadhin, hase ahaatee cabdi muuse gabdhii kuma guulaysan, waa loo diiday sababta haddii uu toydayna waxaa loo sheegay inaanu reerka gabadh kala tagi doonin haddii ashkir-heelli faraskiisa loogu yeedho aanu soo raacin xoolihii uu horay xeryaha u tubay.


Cabdi muuse farasku aad buu ugu dheeraaye dhulka ayaa la wareegay, show xoolihii uu bixiyey oo dhan isaga ayaa uga qiimo iyo qaayo badnaa, kolkaas buu tallamay, markaasuu isla hadlay, ganadha iyo faraska ayuu meel maskaxdiisa ka mid ah inta uu soo wada joijiyey is garab dhigay, sideebuu ashkiheelli ku bixiyaa, soo geela u xaraysan iyo fardaha u qoofalani markoodii horaba isga dartii kumay iman, ma hadduusan ashkirheelli haysan buu rag duulay inta raaco halo iyo horweyn miiran ka saami qaadan lahaa? waa maya ayuu isugu jawaabay isga oo madaxa kolba dhan u luxaya. Wuxuu dhulka jifeeyaba ugu danbayntii waxaa ka go'day in gabadha uu huro intuu ashkirheelli huri lahaa, barri ka maalinna farda fardo reero kale leeyihiin uu xeryahooda uga dhex muuqan lahaa, maalintaas buu tiriyey geeraarkii uu faraskaa ku diiday gabadha reeroodna uu kaga maarmay, wuxuu yiri"


Gabadh heenso wanaagsanoo

Qurux laysku habeeyey

Hibo eebe usiiyey

Aqal weyn hadhsanaysa

Hodan aabe tidhaahda

Hadii haatan la keeno

Huri mayo duqaygu.


 Geela hawdiyo doolo

Laam hareeri kafoofa

Hadeeray cali muusiyo

Rag kaleetoon hubaa

Hadalkiisa hayaane

Hurimaayo duqaygu.


Wuxuu ku soo gabagabeeyey waa sida uu geeraarka u dhigaye, ashkir-heelli haddaan bixiyo, muslinnimo ma sheegto, habaarka tolka dusha u ritay, jidkii nabiga ka leexday, wiilashii dhaqaaqiisa iyo ku duulkiisa yaqiinna tashi iyo himmilo wixii ay lahaayeen ku baajiyey. wuxuu yiri"


Hadii aan ashkir heeri

Hoo aan cid idhaahdo

Muslim haybti masheegto

Nabigiina haleeyey

Wiilashii haysadkiisiyo

Hinjigiisa yaqaanaa

Arinkiisa habawshoo

Hurimaayo duqaygu.


Cabdi muuse dhaartii wuu ka dhabeeye sida sheeko yahannadu ay wariyaan isaga iyo gabdhiina wey isa seegeen.


W/Q: Abdiwahid Abdullahi Mohamud

Tuesday, February 8, 2022

GEERAARKII DIGASHADA



Nin aan inta badan bulshada taariikhda daristaa aanay magiciisa xusin, ase la hubo inuu si buuxda u gacansiinjiray xoogaggii guumeysiga, inta badanna soo jaajuusijiray dhaq-dhaqaayada xorriyad doonka ah, ayeey maalin maalmaha ka mid inta si un loo qoosaday halkii uu joogay laga masaafuriyey, dhul ay galkacyo ugu sokeyso baderqaasimna ugu fogayd ayaa inta badan laga tuuri jiray shaqaalaha uu guumeysigu yar saluugo, xisbigii leegada ayaa meeshii loo qaaday warkiisa geeyey bulshadana ku war galiyey inaanu ninkaasi ku dhex milmin, wadadii uu maro ayaa looga leexdaa, waxaana intaas u sii dheeraan jirtay meel walba oo uu tago iyadoo jaajuus magac ugu baxo bulshaduna ay daymo nacab ku fiiriyaan, isagoo sidaas ah ayuu maalintii dambe geeriyooday oo uu gaajo darteed naftu kaga haf tiri, waxaana taariikhyahannadu wariyaan inaan meydkiisii la duugin. 


Waayahaas maasyahankii damiirka ummadda lagu tilmaami jiray Cali Xuseen Xirsi waa warkii uu sida weyn ugu farxay ee uu ka soo saaray masafadiisii digashada ahayd ee baryahaas sida deg-degga ah loo wada qeybay, wuxuu cali masafadiisa inoogu sheegayaa iney dhab tahayoo ninkaas geeriyooday aani cidina aasine sida neef bakhtiyey uu dugaaggu u cunay, dhanka soomaalidana wuxuu ku canaanayaa hawlihii halganka gobannimada iney ka gaabisayoo xaruntii leegada ee habaynkii axadda buix dhaafijidhay uu dadku haatan teel-teel ku yahay.


Dhulka oo ay la ahayd inuu hiil la'yahay, habaynnimadii xalayna intuu darinta kula soo fariistay u cawdana wuu u dayrnayaayoo inaan cidina u maqnayn ayuu u caddaynayaa, taas ayuuna ka hor marinayaa dulucda maasafada oo sida aan soo sheegay u jeedkeedu ahay digasho ku jeedda ninkii guumeysi raaca ahaa ee markii ay naftu daysay bulshadii uu ku dhex go'ay cid duugta ka waayey, waxba yaanan hadal idinku daaline qeybo maansadaas ka mid ayuu ku yiri"


Indhaweydba dirisyoonkaan

Dadku kuma dhammaanine


Wuxuu leeggu doonaayay baa

Ragna laga daboolaye


Qalbigii damiin ihi

docna kuuma raaco'e


Nin ibliis la daaweystay 

wacdi kuma dawoobo'e


Dhuloow yaa ku daafici 

dadkaagii xumaaye?


Cambarkii dushaadana

Rag kalaa iska daaqaye

Dahabkaad lahayd baa 

Dibad looga saaraye

Ilmo kaa dareertiyo

Wax dhan baa dadaashaye

Oo aad na didisaye 

Waa kagu dayacaye

Haddii aan durriyaddaada

Diirku kuu dhaqaaqayn

Oo aanay waxaa doon

Duur kuu dhamaynayn

Dacwigaaga igaddaa

Waxba ha i dagaaline.


Intaas markuu yiri ayuu u jeeddadii masafada ku dhalisay u dhaadhacayaa waa ninkii boosaaso ku dhintay wuxuuna yiri"


Dadawse maqal 

Nin dulin qaaday

Wax xillow u dambeeyee


Xaqu hadduu ku soo dagana

Ninna duugmaayo'e


Qabrigiina loo diidyoo

Ku dabooli waaye'e


Wax dabayshu noo keentay

In dhurwaa daliigaye.


Diiwaanka kuma yaal 

Shaafici nin diidaye


Dariiqooyinkii dhaaf

Nabigana dafaarye


Dalla malaha aakhiro

Ifkana darajo beelye


Doofaar wadkii helay

U dubaaximayno'e


Hadduu daanka buuxsadayna

Rabbi waa ka daadshaye


Ninkii saas damcaayee

Durka sare madooboow


Waan kula dardaarmiye 

Dacwigayga maqaloo


Ha ku dayannin kaa hoogay

Dhulku yuu ku diidine.


Wacyiga maanta waxaa si aad ah u taabanaya 16-ka tuduc ee masafada ugu dambeeya, jaajuus ayey markaas taagnayd eegga bad iyo birri ayaa loo haahabanahayaa beecintooda. Kala fogaa dadnimadu.


Nabad jaallayaal🙋‍♂️🙋‍♀️

Tuesday, February 1, 2022

MA'WIGII CISHQIGA



Alla ha u naxariistee, hal-abuurkii caanka ahaa ee la oran jirey Maxamad Cali Kaariye ayaa beri waxaa haleelay dareenka jacaylka; kaas oo dhismaha jirkiisa iyo maankiisaba si degdeg ah ugu fiday. Gabadha uu jacaylkeedu wareemay waxaa, Eebbe qaddarey, inay ahaato mid uu magac iyo muuqba u garanaayo oo ay hay’ad qura ka wada xoogsadaan, sidaas darteedna toddobaadka intiisa badan ay, weji ahaan, kulmaan, laabuhu yeelkoode!


Ha yeeshee, la-kulankaasi fannaanka waxba uma lilleyn jirin oo ololka dabka kalgacalka kama uu qaboojin jirin. Maxaa yeelay, wax ugu wacnaaba, gabadhu iyada oo og qalbiga Maxamad Cali inuu xaggeeda soo jiro ayay haddana ismoogeysiisaa. Iyada oo og inay iyadu maankii ka xadday ayay haddana ka sii jeensataa. Inna uma baxdo, uma jilicdo, umana jixinjixdo. Fannaankuna, in kastoo maalmihii dambe inuu is’illowsiiyo uu ku dedaali jirey, haddana ma samro oo inay u gacan-haadiso kama quusto!


Beri dambe, isaga oo aqal gudihiis rag dhawr ah kula caweynaaya, qudhiisuna uu markaas sheekada wado ayaa si lamafilaan ah waxaa dhegihiisa ugu soo dhacay gabdhaha xaafadda middood oo tu kale u yeeraysa. Waxay ugu yeertay isla magacii ay lahayd inantii uu isagu jeclaa ee, markuu hanan waayey, inuu is-halmaansiiyo uu ku tashaday. ‘Heblaay!’ markay tiri ayuu qarracmi gaarey.


Tummaati aanu aqoon meel ay uga timid ayuu dhinacyada oogadiisa ka dareemay. Markaas baa miyirkiiba ugu dambaysey. Wuxuu kala garan waayey magaca uu maqlay in isaga loola jeedo iyo in kale. Kolkaas buu fadhigii halhaleel uga kacay, isaga oo aan dan iyo daarad ka gelin raggii uu haasaawinaayey iyo sheekadii uu u wadey toona. Dheg la qabto isaga oo aan lahayn ayuu qolkii dibedda uga boodey.


Waxba isaga oo ay u kala caddaan la’ yihiin, irriddana liqdaaran ayuu nabarkii labaadna ku dhacay. Wuxuu maqlay gabadhii loo yeeray oo tii u yeedhay ku leh: ‘Hee, hebla!’ Mase codku waa codkeedii oo aan car isku rogin! Waa tii uu jeclaa ee u soo loodsami weydey codkeedii! Suu waa isdabammaray oo sarejoogga ka dhici gaarey. Markaas buu afarta garjaho indhaha midba mar u diray. Wuxuu isleeyahay: “Qofka loo yeeray ee aad codkeeda maqashay tu kale ma ahee, waa iyadii oo galabta ku soo raadisey oo intay, malaha, kaa naxday goosatay inay sida kuu dhaanto!” Mar kale ayuu afarta garjaho indhaha u kala diray. Jaanqaad meel dhow ah ayuu dareemay, kolkaas buu dhanka midige ku xasilay. Mase waa gabar; gabadhii magaceeda iyo codkeeda uu maqlay ee uu agagaarka ka jeedaalinaayey. Hase ahaatee, in kastoo xagga muuqa iyo midabkaba aan tiisii laga aqoon, haddana tiisii ma ahayn! Markaas baa nabarkii saddexaad lagu soo tuuray!


Saddexdaas nabar markay isu raacday ayay laabtii oloshey. Sheeko uu islahaa, ‘way kaa dhammaatay’ ayay maankiisa ku soo celiyeen. Sidii wax la arooriyey ayuu u ekaaday. Raggii iyo aqalkii dib uguma laabane, horay buu isaga dhaqaaqay, isaga oo ay murugo buuxisey. Waa hal’abuurkii weynaaye, hees buu halkii ka bilaabay; heesta sidiisa caanka u noqotay ee Xasan Aadan uu qaado. Waa heesta uu ku bilaabay:


Kuwa loogu magac-daraye

Muuqa aan la kala garan

Caku mohashadoodee

Heesaha macaan iyo

Muusiggiyo codkay diley!


Dhegaha aan ka maalee

Markii aan illaawoba

Wax i soo mir-kiciyoon

Maqlo waayi maayee;


Ma hayoo, mana sugaayoo

Iimana maqnee;

Maareeyoo sidee buu cishqigu

Maskaxdiyo qalbiga

Uga miirmayaa!


Nabad jaallayaal🙋‍♂️🙋‍♀️

Saturday, January 29, 2022

SUUGAANTA KU SAABSAN SHEEKO-XARIIRADA




Sheeka xariiradu waa hab suugaaneed can ah oo dunidoo idil bulshooyinka ku dhaqan ay kasimanyihiin, waxaa lagu tilmaamaa iney tahay dhaxal uu aadanuhu wadar ahaan uleeyahay in kastoo umad waliba ay gaar usheegato kuwa dhexdeeda ka abuurmay summadda deegaankeeduna ay kutaal.


Jaadad badan ayey sheeka xariiradu u kala baxdaa qaar ayaa ku saabsan dhismaha dunida iyo ifafaalooyinka ay maalin walba indhuhu qabtaan sida circa,dhulka,daruuraha,roobka,xiddigaha,habaynka iyo dharaarta.


Qaar kale ayaa ku saabsan dugaagga iyo dadyow waaya hore uunnaa oo aadanaha kale aad uga waaweynaa tiiriyaalna loo yaqiinay, qaar baa kusaabsan dad-qalatooyika sida dhagdheer, qaar kalana madax mala-awaal ah sida boqoraddii soomaalida ee Caraweelo la oranjiray, qaar baa ku saabsan dugaagga, qaar kalana nafleey dad iyo kallunba isugu dhafan sida gabareey-maanyo, amasa bahal jeexis ah sida xungurufta.


Xagga ujeedada sheeko-xariiraddu waxay isugu jirtaa qaar carruurta lagumaaweeliyo iyo qaar waayeelka qudhiisu uu isugu sheekeeyo.


Maadda iyo maaweelada ka sokow sheeko-xariiradu waa hab suugaaneed ay bulshooyinku murtida kula baxaan si fududna looga dheehankaro waayo-aragnimadooda iyo falsafaddooda nolosha, aalaaba sheeko-xariirada waxaa loo wariyaa asal ahaan siday ahayd ee awoowayaal looga soogaaray, waxaase marar lagu soo bandhigo habab kale oo suugaaneed sida riwaayadaha iyo maansada.


Soomaalidu waxay kami tahay umadaha sheeko-xariirada hodanka ka ah murtidana kula baxada, sidoo kale maanso yahankii hore ee soomaalidu kama ilduufin qiimaha suugaaneed ee adeegsiga sheeko-xariirada kujira,mar hore iyo mar danbaba mayara hal-abuuradda sheeko-xariiroyinka wax inoogu tusaaleeyey oo aynu madaxa uwada ruxnay kolkii ay maanso noogu rogeen sheekooyin aynu yaraantii ku maqlijirnay.


Markhaati waxaa taa unnoqonkara sheeko-xariirada ay soomaalidu wada taqaan ummado kale iney layaqaanaanna ay suuro gak tahay, waa qeyb libaax sheekadda ku magacdheer ee dhacday habar dugaag oo idil maalintii hashu ay soo dhexmartay,boqorka keynta(libaaxa) qeybinta hilibkeeda maalintuu waraabe u agamaday,maalintuu kaasina qaldamay markuu ku dhawaaqay in libaaxu hasha bar qaato barka soo harayna ay intooda kale ku tagaan, maalinta uu boqorku qeybtaa qawaday ee inta uu carooday uu waraabihii sida ba’an ugagabiyey ishiisii midigna bannaanka soo dhigay, maalintuu uu hadana dawaca uyeeray oo uu faray iney neefka qeybiso waa wixii dhiifoonayde hasha oo idil maalinteey libaaxa guddoonsiisey ee ay ku talisay iyagu iney qadaan isaguna uu hilbaha wada qaato, maalintii uu libaax qeybtaa udhoolla caddeyey dawacana ay sidaa nafteeda ku badbaadisay.


Sheeko-xariiradaas maanso-yahannadii soomaaliyeed ee inta gabayga urrogay wax ku tusaaleeyey waxaa kamid aha xuseen maxamuud faarax oo xuseen dhiqle loo yaqiinay, waa ninkii muddada dheer sayid Maxamed xoghayaha warfaafinta ula meel joogay ee maansooyinkiisa mar qudha kolkuu ummariyo isagu dabadeed daraawiishta sii qeybsiinjiray.


Tan iyo dhallaanimo waligiisba wuxuu ahaa guryaha reer sayid nin katisan, jabkii dariiqo kadibna wuxuu kamid ahaa raggii hogaamiyaha laqaxay ee markii dambe buurta iimeey latagay, December 1920kii wuxuu kujiray nimankii iilka dhigay ee xabaashiisii inta dul-gammodsaday ilmadu ay gob’o leysay. Gorayo gabal udhacay waa tii ay dabadeed daraawiish noqotay, waa tey kala firirtay, gaaggii kaharay waa tey iniba meel afka saartay, qaar Nugaal isaga soo noqda,qaar beydhabo ka cid gala hara doollood ama haro xagarrey qaar beegsada.


Waxaase jiray qeyb kale oo iney deegaamadaa dib ugu soo noqoto lafaheeda uga baqday, waa aqalkii madax-tooyada daraawiisheed intii ka tirsanayd ama lagu tirinahayey, waa reer sayid ama waa reer xasan nuur oo ingiriis xabashi talyaani iyo soomaaliba raadinahayaan wiil iyo waayeelna koodii gacan lagu dhigo aan dhiigiisa dhulka loo ogolaadeen.


Sheikh yuusuf cabdulle xasan iyo xuseen dhiqle ayaa u odayaal ah iyaga iyo raggii kale markay tashadeenna waxay goosteen soomaaliba iney karraad gataan oo maatadooda galbeed iyo gindhir ay la qabtan, waxay doorteen iney magan galaan Caruuse iyo reer daadhi oo ahaa qoyskii utalinjira, inkastoo  kolkii hore si wacan loo qabtay hadana maalmo kadib baa gardarraysi lagu billaabay hadiiba wixii gacmahooda dab ku harsanaa ayaa laga wada meersaday, markii danbana dumarkii ay wateen baa loo soo dhigtay iyada oo aan cidna laweydiisan baa naado buraale hortooda lagu guursaday, cali bineeqo ayaa aqal iska gashaday, qurux haddii layiraahdo waa qoftii daraawiish ugu haysatay,waa afadii khaliif sheikh cabdulle oo markuu kadhintay uu sayidku ka dumaalay isna uu wax yar ka hor ka geeriyooday.


Taas iyagoo ku ciil-qaba ayaa maalitii danbe caruusa oo idil duqii uboqranaa (nuux muxumed daadhi) waxaa hunguri kagalay jamaad sheikh cabdulle oo ay sayidka walaalo ahaayeen gabyinajirtay, walaalkeed sheikh yuusuf ayuu abbaadhay oo weydiistay, isna intuu malaha naftiisa uga yaabay ayuu halahaleel iyo tashi la,aan ku siiyey,

Maxayse ugu taallaa iyadiibaa marka arrinta loo sheegay iska soo taagtay iyadii baa sina loo soo marsiinwaayey.


Isna sidaas kuma uu harine nuux muxumed daadhi wuxuu uyeeray xuseen dhiqle oo ay la ahayd ineysan jamaad wax ku diididoonin sida ay walaalkeed wax ugu diiday, show xuseenna meel xun ayey kamaraysaa oo gabadha isagaaba kadaran, waxay caruusi ku fashay waa nin ka ciil qaba  oo ku hammiyaya siduu mar un uga aarsan lahaa, hayeeshee maantaas nin ay maya ubbannaanayd muu ahayn, wuxuu garaysan waaye habkii naado looga booliyey iyo sida fudud oo larabo in jamaadna loogaala meero.


Waxaa iskula ekaaday xog sheegadka lagu xaajoonayo iyo sheeko-xariiradii qeyb libaax, markaasuu talo mooday waxa laga rabo inaanu hagaag u ogolaan hagaagna udiidin  islamarkaana carada laabtiisa buuxisay uu bannaanka soo dhigo caruusana dhab u dareensiiyo.


Cishadaas buu tiriyey gabaygaan aanu qeyb ahaan hoos ku soo bandhigi-doonno ee suugaanta soomaaliddu ay ku faani-karayso haddiiba maalin un suugaanaha la tartan siiyo. Xuseen wuxuu yiri.


Qayaashoow libaax baa dhurwaa qeybi yiri soore


Wuxuu yiri hilbaha jeex bal qabo qoom dhan baan nahaye 


Markaasuu qabbabaalihii qoonsadoo dilaye


Dharbaaxuu il kaga qaadayoo hoor kazoo qubaye


Af qashuushle goortuu dhintuu sii qajaabsadaye.


Dawacuu kolkaa soo qabsaday sida qisaaseed 


Iyadoo qar-qari buu ilkihii qoor qabkii xoqaye


Wuxuu yiri qanjaafala xumeey tali qadarkaaga.


Adeer gacalle qaad iyo dalool qaaxo iyo feedho


Qummud iyo baruu lag iyo qawdhihii kuruska


Kuu wada qorsheeyee isloow neefka wada qaado.


Kolkaasuu wixii qaday qabsaday qodob kadafleeye


Waxaa layiri qabiil maleh dayooy qeyliyaha aare


Innagoo quruun dhan ah maxaa qado inoo diiday?


Qacdii hore haddaan arkay kabtii weerku sii quluushay.


Bar baa kuu qismaa waa wuxuu eeday qaar yare’e


Aniguna qudhaasaan ahoo la iqulqulateeye


Duqii noo qab weynaa wakaa qooqa loo dilaye 


Qaadirkii ilaah iyo rabbaan quud ka sugayaaye 


Qudhaydaan uyaabaye miyaan idin qasaateeyey


War ma anoon qudraba hayn baa qorash ka sawaaqsan.


Anna qeyb libaax weeye taas igu qasbaysaane


Dadka igu qoslaayiyo kobtaan ka qalbi diidaayo


Qadayeey aduunyo uma socon waad iqaxarteene


Qarankii dariiqo iyo haddaan qariimadii  waayey


Labadii qof ee nagaga haray qaafadii dumarka 


Tii quruxda roonayd haday cali la qooqayso  


Qudhoo kaliya baa nagu hartoo qalabku noo yiille 


Tanna qaata naadaba rag bey qaac ushidataaye.


Tashigiisu siduu ahaa xueen dhiqle hagaag wax uma diidin hagaagna wax uma ogolaan wuxuuse tiriyey gabaygaa qeyba-libaax labaxay oo noqday nuux daadhi gabay hakiyey bililiqeysigiina ay jamaad kaga badbaaday.


Nabad jaallayaal🙋‍♂️🙋‍♀️

INTA AAN QISO AKHRINAYEY TII UGU MUCDA IYO MIISAANKA BADNAYD 3

                                                                                         Mahadcelin Waxaan u mahadcelinayaa Maktabadda SOAS ...